U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaanshiyo ah ayaa saakay oo Isniin ah laga soo sheegayaa deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo maqribkii xalay ka dhacay dagaal u abaabulan qaab beeleed.

Dad ku sugan deegaankaasi oo saakay la hadlay Goobjoog News, waxay sheegayaan in aanu jirin wax dagaal ah, balse Labada dhinac ay isku hub uruursanayaan.

Beelahan dagaallamay ayaa isku haysta sida naloo sheegay dhul daaqsin ah oo ku yaalla deegankaasi, waxaana dagaalkii maqribkii xalay dhacay ku dhintey ugu yaraan Hal qof, iyadoo dhaawacana uu gaaryo 10-kale.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaan waxaa la geeyay deegaanno kamid ah gobollada Galgaduud iyo Hiiran.

Ma jirto weli cid isku howshay iney kala dhexgasho beelahan dagaallamay, waana markii Labaad oo beelhan ku dagaallamayaan deegaankan muddo Sanad ah gudahiis.

Goobjoog News