U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Socda Deegaanka Deefow Iyo Qasaare Nafeed Oo Halkaasi Laga Soo Sheegayo

Sheeko:Dalka

dagaal-11Dagaal u dhaxeeya Laba Beel oo wada dega deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa saaka halkaasi ka bilawday, kaas oo illaa iyo xilligaan soconaya.

Wararka ay helayso Goobjoog Fm, waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, iyadoo dhaawaca 10 ruux uu ka badan yahay.

Qaar ka mid ah dadkii dagaalkaasi ku dhaawacmay waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne, sida ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan magaaladaasi.

Maamulka Gobalka Hiiraan weli wax war ah kama uusan soo saarin dagaalkaan, waxaana weli Labada dhinac ay isku adeegsanayaan rasaas xoogan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News