U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Socda Deegaanka Qorilley Ee Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed shalay dib uga billawday deegaanka Qorilley ee gobala Sool, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan Seddax qof ayaa ku geeriyootay dagaalladaasi, iyadoo la sheegayo in maanta la maqlayo rasaas ay Labada dhinac is weydaarsanayaan.

Odayaal iyo waxgarad ku dhaqan gobalkaasi ayaa isku dayaya inay kala dhex galaan dhinacyada dagaallamaya wallo la sheegayo in rasaas ay socoto.

Dhanka kale shacabkii fara ku tiriska ahaa ee ku haray deegaanka Qorilley ayaa la xaqiijiyay in halkaasi ay isaga barakaceen, ka dib cabsi ay ka qaadeen dagaallada socda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Sool in ay nabadda qaataan, islamarkaana wax walba ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Goobjoog News