Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Ku Dhexmaray Gedo

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Takar ee gobalka Gedo, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa halkaasi ku dhintay Laba kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay ayaa ah mid aad u deggan, iyadoona wararka ay sheegayana in ciidamada dowladda ay deegaanka Takar dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sidaan oo kale weerar waxa ay ugu qaadaa deegaanada ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobalka Gedo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW