U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Baardheere ee gobalka Gedo, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray fariisin ay garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ku lahaayeen ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howlgalka AMISOM, halkaasi oo dagaal ku dhawaad saacad socday uu ka dhacay.

Qof ku sugan degmada Baardheere oo ka gaabsaday in magaciisa aan baahinno ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay markii hore madaafiic kusoo tuureen garoonka degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay Hal qof oo shacab ah ayaa dagaalkaasi ku geeriyooday iyadoo Laba kale ay dhaawacmeen ka dib markii xaafadahooda ay ugu tagtay rasaas habow ah.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa maanta si wadajir ah howlgallo uga sameeyay duleedka degmada Baardheere ee gobalka Gedo, inkastoo aan weli la ogeyn howlgaladaasi inay dad kusoo qabteen iyo in kale.

Al-shabaab ayaa muddo ku dhaw 10 sano waxay maamulayeen degmada Baardheere ee Gedo, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa 22-kii July 2015, halkaasi la wareegay.

Goobjoog News