U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Degmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Buush Madiino oo duleedka ka ah degmada Diinsoor, halkaasi oo daqiiqado badan lagu dagaallamayay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan, hase ahaatee saraakiisha dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab ay dib ugu celiyeen halkii ay weerarka kasoo qaadeen.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee degmada Diinsoor Xasan Aadan Yarow ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankii lagu dagaallamay, islamarkaana ay Al-shabaab iska caabiyeen.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ciidamada dowladda ay hadda wadaan howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmadaasi, ayna wadaan howlgallo amni sugid ah.

Goobjoog News