U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Deegaanka Deefoow Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

dagaal-11Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay beelo wada dega deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa xalay dib uga dhacay deegaankaasi.

Dagaalkaan oo bilawday abaare Fiidkii xalay ayaa socday ku dhawaad Afar Saacadood, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii xalay ku dhintay Shan qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dhinaca kale shacabkii ku dhaqnaa deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay ka barakaceen, iyadoo weli dhanka maamulka gobalka Hiiraan aanu ka hadal dagaalkaan.

Dadkii ugu badnaa ee dagaaladaasi ku dhaawacmay waxaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraaan, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News