U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay duleedka degmad Balanbale ee Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaansho ah ayaa maanta laga dareemayaa duuleedka degmada Balanbale ee gobalka Gal-gaduud halkaa oo shalay uu dagaal ka dhacay.

Dagaalkaan ayaa shalay ka dhacay deegaanka Boora-boorow oo qiyaas ahaan 10-km dhanka bari kaga beegan degmada Balanbale, waxaana beelaha dagaalamaya isku haystaan dhul beereed Halkaasi ku yaala.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xaaladda ay tahay mid hadda ka yara degan sidii hore, walow ay jirto cabsi ah in dagaalada ay dib u qarxaan.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhintay Afar qof oo dhinaycadii dagaalamaayay ah, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhawaacmay 14-kale.

Odayaal dhaqameed ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan inay ku xaliyaan dagaalkaan, si aanu usii baahin, islamarkaana dhibaato kale aanu geysan.

Goobjoog News