U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Faah faahin horudhac ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay oo Isniin ah dib uga billowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Abaare 6-dii aroornimo ee saakay ayaa la sheegay in dagaalkan uu dib u billowday, waxaana mar qura la maqlay daryanka madaafiicda waa weyn ee ay is weydaarsanayaan dhinacayadan dagaallamaya.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka socda galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana jirta madaafiic kusoo dhaceysa gudaha Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyey dagaallada saakay ka billowday Gaalkacyo waxaa ku geeriyootay ugu yaraan Saddex qof oo dad shacab ah ay ku jiraan, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Inta badan magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid haawaneysa, waxayna shacabka u barakaceen duleedyada magaaladaasi.

Dagaallada Gaalkacyo ayaa ah mid soo noqnoqday, waxaana jirin illaa hadda cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan is haya marka laga reebo baaqyo kala duwan oo loo jeediyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News