U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab Ku Dhex Maray Gedo

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid yara deggan kadib markii weerarkii saaka ay Al-shabaab halkaasi ku qaadeen ay kala wareegeen ciidanka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in la dilay ciidamo badan oo Kenya ah islamarkaana Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen hub badan, gaadiid dagaal iyo saanaad Military oo taallay xaruntii ay saaka weerarka ku qaadeen oo ay deganaayeen ciidanka AMISOM.

Warar horudhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dagaalka ka dhashay balse tirada rasmiga ah aan la xaqiijin Karin.

Wasaaradda difaaca dowladda Kenya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay maanta oo Jimco ah waxay ku sheegtay in xarunta la weeraray ay deganaayeen ciidamada dowladda Federaalka islamarkaana ciidanka Kenya ay deganaayeen meel u dhow xarunta ay Xarakada Al-shabaab qabsadeen.

Waxaase saraakiisha AMISOM ay qireen inuu jiro weerarka laakiin ma aysan caddeyn in Al-shabaab ay la wareegeen iyo in kale xaruntii ciidankooda uu kula lahaa deegaanka la weeraray.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab ee dhanka ciidanka Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay inay dileen ciidamo Kenyaati ah oo ka badan 63 askari.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu hadda joogsaday oo ciidankii xerada joogay kuwa badan la dilay kuwana iyagoo bad qaba gacanta ay ku dhigeen Al-shabaab, waxaa sidoo kale ay sheegeen in ay arkayeen gaadiid gubanaysa oo ciidanka Kenya ay la haayeen.

Isgaarsiinta oo intii saaka uu dagaalka socday hawada ka maqnayd ayaa dib u soo laabatay.

Goobjoog News