U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallada Puntland iyo Al-shabaab Ee Ka Socda Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Xiisado dagaal ayaa saaka ka jira deegaanno kamid ah gobalka Nugaal oo ay ku dagaallamayaan Ciidamada Puntland iyo kuwa dagaalyahannada Al-shabaab.

Deegaanka Suuj ee hoostaga degmada Dangoronyo ayaa laga maqlayay daryanka madaafiicda culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Illaa Seddax barood oo ay ciidamadani ku dagaallameen oo ku kala yaalla goballada Mudug iyo Nugaal.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka midka ugu xoogga badan uu ka dhacay deegaanka Suuj oo Dangoronyo hoostaga gobalka Nugaalna ka tirsan.

Waxaa sidoo kale iyana ciidanka Puntland iyo Xarakada Alshabaab ay isaga hor yimaadeen meel 40 KM u jirta degmada Godobjiraan oo dhinaca badda xigta.

Deegaan qiyaastii 40-Km u jira deegaanka Garacad oo lagu magacaabo Badqado ayaa sidoo kale kamid ah meelaha lagu dagaallamay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada dagaalladan ay ka soconayaan ayaa sheegay in dagaallada ka sokow ay haatan la dhibban yihiin biyo la’aan.

Waxay tilmaameen in aysan bannaanka uga bixi karin guryaha ay uga gambanayaan rasaasta, sidaa darteedna ay keentay in ay waayaan biyo noloshooda ku filan.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in guud ahaan dagaalladani ay soo afjari doonaan maalmaha soo aadan, inkastoo dagaalkani uu galay maalintii Seddaxaad.

Goobjoog News