U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalladii AMISOM Iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalka Gedo 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka saakay ay Goobjoog ka helayso deegaanka Alwiilo oo ku dhaw deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa shegaya in xaaladdu ay ka deggan tahay sidii hore kadib dagaal saacado badan qaatay oo halkaasi ka dhacay.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa halkaasi ku dhimatay, tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidanka Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dagaalladaasi ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Shacab badan ayaa ka baracakay deegaannada dagaalladu ay ka dhaceen iyo kuwa ku dhow intaba si aanay u saameyn rasaasta la isku adeegsanayo.

Dhacdo Hore

Xarakada Al-shabaab ayaa 15-kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu kasoo gudubnay waxay weerar ku qaadeen xero ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 askari oo ciidanka Kenya ah, kuwo kalena nolosha ay ku qabteen.

Dowladda Kenya oo iyana hadashay waxay qirteen in laga dilay askar kuwo kalena ay nolol ku la yihiin.

Goobjoog News