U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalladii Maanta Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah kaasi oo maanta ka dhacay deegaanno duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dib uga soo laabtay deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo qiyaastii 10 KM u jira degmada Afgooye halkaasi oo saaka dagaal ay ku qabsadeen.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidamada Al-shabaab ay hadda ku sugan yihiin deegaankaasi, iyadoo ciidanka dowladda ay kusoo dhawaadeen degmada Afgooye oo markii hore dagaalka ay ka qaadeen.

Sayid Mayow Baalle oo ah guddoomiyaha deegaanka Mareerey oo iyana saaka lagu dagaallamay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in hadda aanu socon wax dagaal ah, islamarkaana deegaanka Sabiib iyo Caanoole ay maamulayaan Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladii maanta dhacay illaa iyo haatan lama xaqiijin, waxaana dhinacyadii dagaallamay ay isku adeegsadeen hub culus.

Dhinaca kale warbaahinta Al-shabaab afkooda ku hadashay oo soo xiganeysa saraakiil iyaga ah ayaa waxay sheegeen in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ay ka qeybgaleen ciidamo Maraykan ah iyo sidoo kale diyaarado dagaal.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabellaha Hoose kama aanay warbixin dagaalladan.

Goobjoog News