U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalladii Maanta Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay aroortii waxay weerar ku qaadeen deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la wareegay Janaale dagaal la’aan, walow la sheegay in markii dambe ay dib uga soo laabteen.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale dagaal xooggan waxay Al-shabaab kula galeen sida la sheegay deegaannada kala ah Awdheegle, Mubaarig, Bariire iyo Baladul Amiin waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalladaasi waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 1o ruux, iyadoo in ka badan 20 ay dhaawacmeen.

Sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dagaal kula wareegeen deegaannada Sabiib Caanoole, Moordiinle iyo Tooratoorow, waxayna dagaalladaan u ekaayeen kuwo qorsheysan.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalladan ay ku bilowdeyn diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay deegannadan qaarkood.

Mas’uul ka tirsan maamulka Sh/hoose oo codsaday inaan la baahin magaciisa ayaa inoo sheegay in khsaare xooggan ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda waxay warbaahinnadooda ka sheegeen iney iska caabiyeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee weerarka ku qaaday deegaannadii ay maamulayeen.

Xaaladda guud ee deegaannadii lagu dagaallamay caawa waa mid deggan, walow ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ay weli wadaan ciidamada dowladd federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News