U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Degmada B/weyne Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo shalay ka dhacay deegaanka Yarmook oo qiyaastii 25-km dhanka galbeed ka xigta magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda saaka waa ay yara deggan tahay, hase ahaatee waxaa halkaasi laga dareemayaa abaabul Labada dhinac ay kala wadaan.

Dagaalladii shalay dhacay illaa habeenkii xalay socday waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 3 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ah iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Dad ku dhaw deegaankaan lagu dagaallamayo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dhinacyadan isku adeegsadeen hub culus.

Waxaa jira dad badan oo ka barakacaya Yarmook iyo sidoo kale deegaannada kale ee ku dhaw, waxaana dadku ka baqayaan in mar kale dagaal dhaco.

Dhaawacyo badan baa la geeyay Isbitaalka magaalada B/weyne kuwaasi oo qaarkood la xaqiijiyey in xaaladoodu tahay mid daran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News