U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Deegaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Baay Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka deggan xaaladda degaanka Goofgaduud Shabeellow ee gobalka Bay oo ay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Wararka ka imaanaya degaanka Goofgaduud Shabeellow ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa ku warramaya inay xaaladdu tahay mid deggan.

Shalay ayaa halkaas waxaa laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay halkaas ka wadeen howlgallo.

Saraakiisha dowladda ee degaankan Goofgaduud Shabeellow weli kama aysan hadlin howlgalladani iyo waxa lagu soo qabqatay waxaase la arkayay ciidamada oo roondooyin ku maraya waddooyinka degaankaasi.

Goobjoog News