U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay deegaanno ku dhaw Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgal ka dhan ah Xarakada AL-shabaab ka wadeen deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan, waxaana dhacay dagaal iyo duqeymo.

Shalay gelinkii dambe illaa iyo habeenkii xalay ahaa waxaa deegaanno ku dhaw magaalada Baladweyne duqeyn ka geystay diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News in meelaha la duqeeyay ay xarumo ku lahaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay gubeen hub iyo sidoo kale gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Xaaladda goobihii dagaallada iyo duqeymaha ka dhacay waa ay degan tahay, hase ahaatee saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in deegaan walba oo gobalka Hiiraan kaga sugan yihiin Al-shabaab ay weerar ku yihiin.

Goobjoog News