U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Degmada Waajid Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaansho ah ayaa maanta oo Sabti ah waxaa laga soo sheegayaa degmada Waajid ee gobolka Bakool halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Waajd kadib markii ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisin halkaasi ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Saraakiil u hadashay maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ka caawiyeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana khasaaraha u badan yahay dhinacyadii dagaalamayey.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa maalmahan dambe billaabay howlgallo ay ku qaadayaan saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Baay iyo Bakool iyaga oo dib uga soo laabta halka ay weerarada ku qaadaan.

Goobjoog News