U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Tuka-raq

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degantahay kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo halkaasi ka socday muddo todobaadyo ah.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay beenisay haddalo ka soo yeeray Somiland oo sheegayey in ciidamo  Puntland ah oo gaaraya 120 ay soo goosteen,  Dhankeeda wasaarada amiga Puntland ayaa sheegtay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha dowlada ama ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo sawiro ama Vedio ku saabsan ciidanka uu mutaysan karo Xabsi .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale diray baaq nabadeed, isaga oo jimcihii hadlayey ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Farmaajo waxaa uu intaasi raaciyay inay dhimantahay oo keliya inay ciidamo kala dhex dhigaan balse taasi aaney awoodin.

Beesha caalamka iyo dalalka taageera Soomaaliya ayaa soo-jeediyay wadahadal in wax lagu dhammeeyo iyaga oo intaasi raaciyay in arrintan uga dari karto xaaladda banii’aadnimo ee duufaanta sagar oo goobtaan ka jirta.

Dalalka iyo hey’adaha baaqa diray waxaa ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

Goobjoog News