U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka J/hoose Oo Ciidanka Dowladda Iyo AMISOM Howlgallo Gaar Ah Ka fuliyeen

Sheeko:Dalka

Waxaa deggan xaaladda degaanno ka tirsan gobalka Jubbada Hoose oo howlgal qorsheysan uu ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Wararka aynu ka heleyno degaan lagu magacaabo Burkooy oo ka tirsan Jubbada Hoose islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen howlgallo qorsheysan ayaa la sheegayaa in xaaladda tahay mid deggan.

Dadka degaanka ayaa muujinaya cabsi ah in mar kale degaanka ay wax ka dhacaan, waxaana halkaasi ku yaal fariisimo dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ay leeyihiin.

Dowladda Federaalka iyo Alshabaab kama aysan hadlin weli howlgalka ciidan ee ka dhacay Jubbada Hoose.

Dhanka kale afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay howlgalkaasi khasaare ballaaran ugu geysteen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen Saddex ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidamadeenna oo  ay isgarabsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ayaa si xeeladaysan u Qorsheeyay Fulinta iyo ku guulaysiga howlgalkaasi, waxaanan sii wadi doonaa in aan ka ugaarsanno goob kasta oo ay ku sugan yihiin nabad diidka hor taagan Mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran, AMISOM iyo Maraykan ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubada Hoose.

Goobjoog News