U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay howlgalo Isbaaro qaadis ah oo ka socda Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

isbaarCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgalo balaaran oo lagu qaadayay Isbaarooyin lacagta looga gaadiidka halkaasi isticmaala.

Howlgalka wejigiisa 1-aad waxaa lagu qaaday in ka badan 15 Isbaaro oo yaalay inta u dhaxeysay degmada Afgooye iyo Deegaanka Muuri ee gobalka Shabeelaha Hoose, wadadaasina waa mid hadda nadiif ah.

Isbaarooyin lacago looga qaado gaadiidleyda deegaanno ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa weli yaalla kuwaasoo weli sarakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya aysan weli gaarin.

Wejiga Labaad ayaa lagu qaaday 20 Isbaaro oo yaalay Inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Inkastoo Isbaarooyinkaan la qaaday, hadana waxaa jira kuwo lagu sheegay soo boodo, (Isbaaro aan la fileyn) ay la kulmaan gaadiidka, mararka qaarna ay dhacdo dhibaatooyin loo geysta dadka shacabka ah.

Howlgalka ayaa ah mid weli socda, waxaana saraakiisha dowladda Soomaaliya ay sheegayaan in howlgalkaan ay wadayaan ilaa inta gobalka Shabeelaha Hoose ka wada qaadaan Isbaarooyinka yaala.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News