U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Madaafiic Xalay Ku Dhacday Degmada Xamar Jajab Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaarihii ka dhashay madaafiic habeenkii xalay ahaa lagu tuuray degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Madaafiicdan oo ahaa Hoobiye ayaa abaare Salaaddii Maqrib ee xalay waxay ku dhaceen degmadaasi, iyadoo la xaqiijiyey Geerida Labo qof oo mid ka mid ah yahay ruux Madaxa looga jiro, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay dad ka badan 10 qof.

Dadka ku dhaawacmay madaafiicdan waxaa ka mid ahayd hooyo Xambaarsan canugeeda islamarkaana adeeg kasoo doonatay Laamiga.

Waxaa sidoo kale jirta caruur ku waxyeellowday madaafiicdii xalay lagu tuuray degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

3-dii bishan April ayaa dhowr madfac waxaa lagu dhuftay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee degmada Warta Nabadda kuwaasi oo waxyeello u geystay dad shacab ah.

Sidoo kale 1-dii February ayaa maalin cad waxaa madaafiic lagu soo tuuray Madaxtooyada Soomaaliya kuwaasi oo ku dhacay xaafado ku dhaw madaxtooyada waxaa ku dhintay ugu yaraan Hal qof, waxaana ku dhaawacmay 7 kale.

Goobjoog News