U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Jowhar Oo Uu Ka Furmay Shirka Maamul u Sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha dhexe waxaa shalay si rasmi ah uga furmay shirka maamulka loogu sameynayo goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi furay iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ergada shirkaasi ka qeybgalaysa.

Habeenkii xalay ahaa waxaa guud ahaan magaalada Jowhar ka soconayo kulamo gaar gaar ah, kuwaa oo looga hadlayay arrimo ku adan aayaha maamulkaan la sameynayo.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo magaalada laga dareemayo shirkaan furmay iyo martida magaalada ku badan.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ayaa soo dhaweeyay in magaaladaasi lagu qabto shirkaan, iyadoo bilicda magaaladana uu ka shaqeynayo mamulka degmadaasi.

Goobjoog News