U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Kismaayo Oo Lagu Qabanayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaranka kadib dib u dhac ku yimid waqtigii la qaban lahaa.

Waxaa magaaladaasi ku sugan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada dalka, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa laga yaabaa in shirka Madasha Qaranka uu furmo, waxaana looga hadli doonaa arrimo la xiriira doorashooyinka sanadkaan 2016-ka ka dhici doona dalka qaabka ay noqon doonaan.

Shirka madasha ayaa dib uga dhacay maalintii loo ballansanaa ee ahayd 10-kii bishaan January.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News