U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Marka Oo Al-shabaab Shalay Gudaha u Galeen

Sheeko:Dalka

Ciidamada Al-shabaab oo shalay gudaha u galay magaalada Marka kadib markii ay ka baxeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay bandow kusopo rogeenxaafado ka tirsanmagaaladaasi.

Wararka waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay xaafadaha qaar codbaahiye ugu sheegayeen in iyagu magaalada Marka ay maamulayaan, islamarkaana aanu jirin wax dhaq dhaqaaq shacab ah.

Xaafadaha qaar ee Marka waxaa la xaqiijiyey in weli Al-shabaab aanay tagin inkastoo aanay jirin ciidan dowladda Federaalka ah oo halkaasi ku sugan.

Ciidamada AMISOM ayaa deggan sida lasoo sheegayo saldhiggii ay ku lahaayeen duleedka magaalada Marka.

Shacabka ku dhaqan Marka ayaa ah kuwo guryahooda ku jira waxaana ay ka baqayaan in dagaal uu ka dhaco degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News