U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Marka Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose waxaa shalay iyo maalintii ka horeysay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beello wada degan gobalkaasi.

Dagaalkaasi ayaa intii uu socday waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo maanta xaaladda ay tahay mid aad u degan.

Wararka ayaa tilmaamaya in la kala dhex galay dhinacyadii ku dagaallamay magaalada Marka, waxaana socota waan waan dagaallada lagu joojinayo.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka qaar ee ka dhawaa xaafadihii lagu dagaallamay ay bilaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan, iyaga oo aadaya xaafadaha kale ee nabdoon.

Dhinacyadaan ku dagaallamay magaalada Marka ayaa dhawaan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxa uu kala dhex dhigay heshiis, hase ahaatee dib ayeey hadana isugu laabteen.

Goobjoog News