U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaban Qaabada Shirka Maamulka u Sameynta Mudug Iyo Gal-gaduud Oo Cadaado Ka Socota (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

CadaadoDegmada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeeysay shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Waxaa la dareemayaa mash’uul aad u badan , iyadoo magaaladaasi ay ku qul qulayaan qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha ee maamulkaan cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen waa wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb waxa uu u sheegay Goobjoog Fm, in amniga guud ee degmada Cadaado uu yahay mid la’isku haleen karo, todobaadyada soo aadanna la filayo in shirkaasi uu furmo.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in hadda Cadaado waxa tagay ay yihiin oo kaliya musharaxiin, islamarkaana aanu jirin ergo weli halkaasi gaartay, ayna imaan doonaan ergada markii gudiga dhismaha maamulkaan u xilsaaran ay u yeeraan.

Ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa aad u adkeeyay amaanka Cadaado, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa guud ahaan dhaq dhaqaaqyada lagu doonayo marti gelinta shirkaan iyo musharaxiinta halkaasi ku wajahan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News