U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Miino Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Halgan Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay Qarax Miino, kaasi oo sababay Khaasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad shacab ah.

Goob Maqaaxi ah oo dadka isugu yimaadaan ayaa la sheegay in qaraxaan uu ka dhex dhacay, iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen Afar Qof.

Qof ku sugan deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, in miinada ay ku dhex jirtay Maqaayadda, lagana war helay mar qura qaraxaasi oo dhacay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka in kastoo aan lasoo sheegin wax howlgal ah oo halkaasi ay ka sameeyeen.

Deegaanka Halgan waxa uu 75-km dhanka Koonfureed kaga beegan yahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana dhawaan deegaankaasi la wareegay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News