U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiin ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa faahfaahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa qarax oo xalay ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho, kaa oo geestay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxani ayaa lala beegsaday Gaari nooca raaxada ah oo ay ku socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ku dhintay qof oo ka mid ah ciidankii gaariga saarnaa, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray Laba kale.

Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxa ay ciidamada sameeyeen howlgalo ay kusoo qab qabteen dad shacab ah oo qaarkood ay kala dageen gaadiidka dadweynaha oo si war la aan ah meesha ku maraayay.

Saaka xaaladda guud waa caadi waxaana shaqeynaya guud ahaan goobihii ganacsiga ee ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay, sidoo kalena waxaa si caadi ah u shaqeynaya gaadiidkii halkaasi isticmaali jiray.