U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Maqaayadda The Village Ee Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay maqaayadda The Village oo ku taalla daarta Hooyooyinka, degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Laba ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay ayaa halkaasi ku dhintay iyadoo Labo kale ay goobta ku dhaawacmeen.

Halka qaraxan uu ka dhacay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen wariyayaal, balse markii ay ka shakiyeen is qarxiyaha ay goobta ka yaaceen, iyadoo markii ay maqaayadda kasii baxayeenba la sheegay in qaraxa uu dhacay.

Qaar ka mid ah wariyayaashii halkaasi ka cararay qaraxa ka hor ayaa sheegay in marka horebe ay ka shakiyeen ninka meesha fadhiya oo ay tilmaameen in dhowr jeer uu taabtay shaatigiisa dhanka wadnaha xiga, islamarkaana ay meesha ka kala carareen.

Goobta uu qaraxan ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda oo baaritaanno halkaasi ka sameeyay.

Waa markii Seddaxaad oo sidaan oo kale weerar Ismiidaamin ah loogu qaado Maqaayadda The Village ee ku taalla guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Labadii September, 2012 ayaa xilli galab ah weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maqaayaddaasi waxaa ku dhintay Wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

004 003 002 0001

Goobjoog News