U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Shaqaale Turki Iyo Soomaali Isugu Jira Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa gabal dhacii shalay waxay dabley hubeysani ku weerareen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 6 qof oo Labo ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhalatay Dalka Turkiga, halka Afarta kale ay yihiin Soomaali, kuwaa oo isugu jiray darawalkii gaariga, ilaalo iyo turjubaan.

Weerarkaan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen 5 qof kale oo midi haweeney tahay, iyo sidoo kale nin u dhashay dalka Kenya sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Dableyda hubeysan ee weerarkan ka dambeysay ayaa la sheegay inay gaari kale ku dhinac jareen gaariga ay saarnaayeen dadkani, islamarkaana ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo gaaray goobtii falkaasi uu ka dhacay ayaa billaabay in halkaasi howlgallo ay ka sameeyeen, welina lama shaacin natiijada baaritaankii la sameeyay.

Sidoo kale shalay magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan uga dhacay dilal iyo qaraxyo kuwo gacanta laga tuuro ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid soo hagaagayey, iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo ka sameeyaan magaalada.

29-kii bishan ciidamada ammaanka ayaa degmada Hodon waxay ku qabteen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sidoo kalena laga helay Seddax qori oo AK-47 ah.

Goobjoog News