U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Wada Hadalka Gaalkacyo Ee Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ka soconaya dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudud.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiirro, xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, madaxda maamul gobaleedyada dalka, xubno ka socda beesha caalamka, IGAD, Midwoga Afrika, Jeneraal Gabre oo Itoobiya ah iyo siyaasiyiin kale ayaa kaalin weyn ka qaadanaya isku keenidda Labada dhinac.

Warar aynu helnay waxay sheegayaan in la doonayo in Labada dhinac laga saxiixo Afar qodob oo si horudhac ah loogu heshiin doono, kuwaasi oo kala ah

  • In Xabadda La Joojiyo
  • In Dadkii Qaxay Dib loogu soo celiyo Gaalkacyo
  • In la kala qaado ciidankii dagaallamay
  • In la wada hadlo

Goor dhaw ayaa madaxda iyo mas’uuliyiinta kale ee wada hadalka ku mashquulsan waxay usoo gudbeen magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in la saxiixo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News