U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Sidii Loo Xalin Lahaa Dagaaladii Gal-gaduud Oo Xalay Ka Dhacay Guriceel (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa kulamo is daba joog ah shalay ilaa xalay ay ka soconayeen degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, kaa oo lagu xalinayo dagaal dhawaan dhexmaray ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahl-sunna Waljameeca.

Habeenkii xalay ahaa kulan saacado qaatay waxaa degmada Guriceel ku yeeshay Odayaal ka shaqeynaya nabadda, waxaana ay diiradda ku saareen kulankooda sidii loo gaba gabeyn lahaa xiisadaha dagaal iyo sidoo kale in nabad lagu soo dabaalo guud ahaan gobalka Gal-gaduud.

Cali Shiikh Maxamuud Dhoore oo ka mid ah waxgaradkaasi oo xiriir lasoo sameeyay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dhinac ka mid ah dhianacyadii dagaalamay ay aqabaleen wada hadalka, islamarkaana ka waxgarad ahaan dhinaca kalena ay ka dalbanayaan in sidaas oo kale ay wada hadal u ogolaadaan.

“Waxaan codsaneynaa in nabadda la qaato, Culimada iyo cid walba oo nabadda jecel waxaan leenahay nabadda wax ka raadiya, cidii caawa ka dib gacan ka hadal bilawda iyadaan gardarada saareynaa, inta ka horeysana anaga dhexda ayaan u xiranay sidii Gal-gaduud nabadda loogu soo celin lahaa, meeshan aanay uga bixin amnigii iyo kala dambeyntii” ayuu yiri Nabadoon Cali Shiikh Maxamuud Dhoore.

Dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaaladii dhawaan ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel weli waa kuwo soconaya, waxaana arintaan kusoo baxay, Odayaal dhaqameed iyo dad badan oo nabadda u ololeynaya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News