U bood dhigaalka

Wararkii ugu Dambeeyay Weerar Lagu Qaaday Hoyga Sarkaal Ka Tirsan Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa maanta ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada  Muqdisho, wararka ayaa sheegay in la weeraray lagu qaaday guri uu deganaa sarkaal ka tirsana ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale guriga ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku sugnaayeen oo lagu dabiibayay dhaawaca askar ka tirsan  Macawisleyfa kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaallada ka dhacaya gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-shabaab oo ay iyagu ku jiraan.

Dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in dagaalka ka dib ay gudaha u galeen, iyaga oo tiradooda lagu sheegay afar ruux, waxaana dhacaya rasaas u dhaxeysa dableyda weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo halkaas gaaray.

Wararka waxaa kale ay sheegayaan in ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad ay wadaan howlgal lagu soo gabgabeynayo weerarka lagu qaaday guriga oo la sheegay inuu deganaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Garabeey oo ka tirsan Milatariga.

Khasaare kala duwan ayaa la soo warinayaa inuu soo gaaray dad shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa guryo u dhow halka uu ka dhacay weerarka lagu qaaday guriga ay ku sugnaayeen ciidanka deegaanka ee ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan.

Goobjoog News