U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al-shabaab Ay Ku Qaadeen Saldhiga AMISOM Ee Janaale

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saaka saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Janaale, Shabellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee Goobjoog News ka heshay dagaalkaasi waxa ay sheegayaan in Al-shabaab ay la wareegeen xeradaasi, ka dib dagaal iyo qaraxyo halkaasi ka dhacay.

Weerarka ayaa ku billawday Ismiidaamin, waxaana xigtay rasaas culus oo Labada dhinac is weydaarsadeen sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa jirta, balse weli lama hayo trirada rasmiga ah.

Saldhigga ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa ku yaalla dhanka wabiga, waxaana halkaasi fariisin ku lahaa ciidamo aad u badan.

Deegaanka Janaale ayaa 120 Kiilo Mitir dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana deegaankaan uu ka mid ahaa meelihii horay looga qabsaday Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa 26-kii June ee sanadkaan 2015-ka waxay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee Leego, halkaasi oo askar badan ay ku dileen.

Dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Janaale weli wax war ah kama aysan soo saarin AMISOM iyo Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News