U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanka Camaara Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka deggan xaaladda deegaanka Camaara ee gobalka Mudug oo shalay ay dagaal kula wareegeen ciidanka Galmudug.

Wararka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan isla markaana ciidamada Galmudug ay iminka maamulayaan, iyadoo ay deegaanka ka wadaan howlgallo aan uljeedkooda la sheegin.

Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Camaara, islamarkaana dagaalka looga saaray ayaa dib ugu laabtay deegaanka Xarardheere.

Waxaa laga baqdin qabaa weerar rogaal celis ah in Al-shabaab ay ku soo qaaddo deegaankaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanka Camaara.

Saraakiil iyo wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa shalay gaaray Camaara markii ciidankooda ay gudaha u galeen deegaankaasi.

Dhawaan ayeey ahayd Markii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi uu sheegay in ay qabsan doonaan deegaanada gacantooda ka maqan.

Goobjoog News