U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanka Saaxo Oo Dagaal Uu Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

SaaxoWararka ka imaanaya deegaanka Saaxo ee duleedka gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka yara degan tahay sidii shalay, ka dib dagaalo ka dhacay.

Ciidamadii shalay halkaasi ku dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya, waxaana socda waan waan ay bilaabeen Odayaasha dhaqanka deegaanka si xiisadaan loo damiyo.

Dadka qaar ee Saaxo degan waxa ay bilaabeen in halkaasi ay ka baxaan, iyaga oo ka baqaya in mar kale dushooda lagu dul dagaalamo.

Wararka ayaa sheegayay in dagaalkaan uu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulka Puntland iyo Gal-mudug in kastoo Puntland ay sheegtay in dagaalkaasi aanay wax shaqo ah ku lahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News