U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Degmada Caabudwaaq Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in xaaladda ay tahay mid aad u deggan, ka dib markii shalay degmadaasi ay ku dagaallameen ciidamo kala taabcsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale maamulka Galmudug State.

Qof ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog News, in saaka xaaladda ay tahay mid deggan, islamarkaana ay dib usoo laabanayaan adeegyadii bulshada ee degmadaasi.

Dhinaca kale degmada waxaa lagu arkayaa ciidamo ka mid ah kuwa Glamudug iyo sidoo kale ciidamo qaab deegaan u abaabulan.

Saraakiisha Ahlu-sunna iyo kuwa Galmudug ayaa isku eedeeyay bilaabashada dagaalkaasi, inkastoo maalin kahor ciidamada Ahlu-sunna ay degmada Caabudwaaq ku weerareen wasiir Galmudug ka tirsan.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhimatay in ka badan 10 qof, waxaa jira khasaare badan oo soo gaaray dad shacab ah.

Goobjoog News