U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degmada Jilib oo duqeymo culus ka dhaceen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JilibDegmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe, waxaa shalay ka dhacay duqeyn xoogan oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya, kuwaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka saaka ka imaanaya degmadaasi waxa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, iyadoona dad badan oo shacabka ay isaga barakaceen degmadaasi.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanadii kale ee diyaaradaha Kenya duqeeyeen kana mid ah gobalada Jubooyinka waa mid degan, walow ay jiraan walaac ay muujinayaan dadka shacabka ah.

Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa soo dhaweeyay duqeymahaan, waxaana ay sheegeen in lala eeganaayo goobo ay ku sugan yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay sii socon doonaan, waa sida hadalka u dhigeene.

Diyaaradaha dagaalka Kenya waxay duqeyn culus ka geysteen deegaano ka mid ah gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobalka Gedo, waxaana waxyeelo badan ay soo gaartay dad shacab ah, una badan xoolo dhaqato.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News