U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Baladweyne Oo Dagaallo Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu ku billawday ka dib markii Maleeshiyaadkani isku qabsadeen in lacago baad ah laga qaado gaadiid xamuul wada.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana uu socday ku dhawaad 5 saacadood, sida ay inoo sheegayaan dad ku dhaw halka lagu dagaallamay.

Ciidamada AMISOM iyo Odayaal dhaqameed ayaa ku baxay dagaalladaasi, iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay in xabadda la joojiyo.

Weli tiro rasmi ah lama hayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca halkaasi ka dhalatay, balse Maleeshiyaadkii dagaallamay waxaa la sheegayaa inay ku kala jiraan difaacyadii ay shalay kala sameysteen, iyadoo ciidanka AMISOM ay dhexda ka taagan yihiin dhinacyada is haya.

Dagaallada sidaan oo kale ay ayaa kusoo laablaabtay deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan, waxaana horay u dhacay dagaallo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News