U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab khasaare geystay ayaa maanta oo Sabti ah ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Cabdalla Shideeye.

Dabkan ayaa ka bilowday sida la sheegay Bakhaaro lagu iibiyo Bun Qaxwada, waxaana uu ku faafay xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Waxaa gubtay goobo lagu iibiyo Taleefannada gacanta ah, sidoo kalena waxa uu dabka saameeyey ganacsigii suuqaasi.

Ugu yaraan Hal qof oo la sheegay inuu ku dhaawacmay halkaasi kadib markii uu kasoo booday dabaq uu dabkan qabsaday, waxaana goobtaasi gaarey gaadiidka dabdamiska iyo kuwa gurmadka ah.

Inta badan hadda waa la damiyey dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha, waxaana jira dad badan oo alaabtoodii kala baxay nawaaxiga halka dabka uu ka kacay si aanu u saameyn.

Khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ka dhashay weli ma cadda inta ay la egtahay, waxaana xaaladda hadda ay tahay mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News