U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa shalay waxa uu dib uga bilowday deegaanka Buurdheere oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa sababay dhimashada in ka badan 30 qof, iyadoo dhaawucuna intaasi badan yahay.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmada Cadalle, beelaha dagaallamay ayaa kala helay gurmad taasi oo dagaalka sii xoojisay.

Xaaladda guud ee maanta waa ay deggan tahay, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, hase ahaatee Labada dhinac hub uruursi ayeey kala wadaan.

Sidoo kale, waxgarad ku sugan degmada Cadalle ayaa bilaabay iney is abaabulaan si ay u kala dhexgalaan beelahan is haya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

 

 

Deegaanka Buurdheere