U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaanshiyo ah ayaa laga soo sheegayaa saakay oo Talaado ah degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay gelinkii dambe ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa gabaldhacii shalay waxay weerar xooggan kusoo qaadeen degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare kala duwan geystay.

Dagaalkan oo illaa habeenkii xalay ahaa socday ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku geeriyoodeen ugu yaraan Afar qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Wararka waxay sheegayaan in Al-shabaab ay gudaha usoo galeen markii hore xaafado kamid ah degmada Afgooye, walow ay iska caabin kala kulmeen ciidamada dowladda Federeaalka ah.

Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa walaac xooggan waxay ka muujiyeen dagaalladan kusoo noqnoqday degmada Afgooye.

Maamulka degamadan weli kama aanu hadal dagaalkan, waxaana xaaladda ay tahay saakay mid aad u deggan.

Goobjoog News