U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Deegaanka Baar Sanguuni

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar ismiidaamin ahoo Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaasi.

Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay jidka galeen kolonyo ka timid dhanka Kismaayo, gurmadna u ahaa ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Baar Sanguuni.

Inta la hubo wadarta guud ee dagaalladan waxaa ku dhimatay ku dhowaad 10 qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Cabdi Casiis Abuu Muscab oo Afhayeen u ah dagaalyahannada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 27 askari, kuwo kalena ku dhaawaceen, isaga oo dhanka kale tilmaamay iney la wareegeen Baar Sanguuni.

Ma jirto ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya guusha ay sheegatay Al-shabaab, balse dagaalkii saakay ayaa ahaa mid Al-shabaab qudhooda ay iska caabin adag kala kulmeen ciidankii halkaasi joogay.

Saraakiisha xoogga dalka ee Jubbada Hoose iyo kuwa Jubbaland weli wax faah faahin ah kama aanay bixin weerarkii Baar Sanguuni.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News