U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaallo Ka Dhacay Magaalada Marka

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib weerar xooggan oo ay magaaladaasi ku qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Xasan Macallin Cumar, guddoomiyaha Marka ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidanka dowladda ay ka warhayeen weerarka Al-shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Ma sheegin dhankooda wax khasaare ah oo soo gaaray, balse wuxuu tilmaamay in saakay xaaladdu tahay mid deggan.

Ciidamada dowladda federaala ayaa dhowaan waxay Al-shabaab ka saareen magaaladaasi, iyadoo dhanka kalena shalay halkaasi la geeyey ciidamo Booliis ah oo ammaanka suga.

Goobjoog News