Wararkii Ugu Dambeeyey Madaafiic Xalay Kusoo Dhacday Xaafado Ka Tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya madaafiic habeenkii xalay ahaa kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa lasoo sheegayaa iney ahaayeen Hoobiyeyaal, waxaana la sheegay iney ku dhaceen meello ku dhow Garoonka Aadan Cadde iyo nawaaxiga halka la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashan, hase ahaatee waxaa sidoo kale la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda.

Saraakiisha amniga Muqdisho weli kama aaney hadal madaafiicdan, halka laga soo tuuray, khasaaraha ka dhashay iyo sidoo kale natiijada howlgal ay sameeyeen ciidamada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

39 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW