Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deegaanka Basra Ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka (Danab) ayaa shalay weerar ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno deegaankan ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay deggan tahay kadib markii halkaasi ay la wareegeen ciidanka dowladda federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in hadda aanay jirin wax rasaas ah oo dhacaya maadaama ay deegaankaasi isaga baxeen Al-shabaab.

Dagaalkii shalay ayaa ku bilowday duqeyn diyaaradeed, waxaana kadib deegaankaasi weerar dhulka ah ku galay ciidanka Danab iyo kuwo AMISOM ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW