U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Amniga

Xaalad deganaanshiyo ah ayaa laga dareemayaa deegaannadii shalay ay ku dagaallameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanka Ilbaq oo hoostaga degmada Balcad, Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay dagaalka xooggiisa, halkaasi oo jidka loogu galay ciidan ka tirsan dowladda federaalka ah.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaaladda ay si caadi ah kusoo noqotay, islamarkaana isku socodka gaadiidka uu yahay mid caadi ah.

Askar ka tirsan xoogga dalka ayaa dagaalladii shalay dhacay kadib halkaasi gaaray, waxaana ay sameeyeen howlgallo aan la shaacin cidda lagu soo qabtay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News