U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Gobolka Sool Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Amniga

Deganaansho ayaa saakay laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi.

Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in saakay xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay.

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo.

Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay.

Somaliland ayaa qorsheyneysa in ciidan badan ay kala dhex dhigto maleeshiyaadka dagaallamaya, si aanu khasaaraha usii badan.

Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News