U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Kismaayo Iyo Weerarkii Hotelka Cascasey

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in Saakay ay soo afjareen weerarkii Hotelka Cascasey ay ku qadeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa ku bilowday qarax Gaari, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Hoteelkaasi, iyadoo halkaasina ay dad badan ku dileen.

Hotelkan waxaa deganaa Ergo, Xildhibaann, waxgarad, wasirro iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo xilliga weerarka uu bilaabanayey halkaasi ay aad u mashquul ahayd.

Inkastoo aanay weli dowlad goboleedka Jubbaland aanay xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, ayaa hadana wararku waxay sheegayaan iney dhinteen ugu yaraan 15 qof, iyadoo dhaawucuna ka badan yahay 40 qof.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay wuxuu isbitaallada ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi, iyadoo maanta qaar ka mid ah dhaawacyada loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.

Waxaa adag isgaarsiinta Kismaayo, iyadoo ciidamo badanna lagu arkayo magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News